Dhibi Waa Iska Feyd,Dheefna Waa Ilaasho.

Ruux walba oo ku abtirsada dhulbahante waa inuu isku si ugu damqadaa ruux kasta oo Dhulbahante ah,sidoo kale waa inuu isku si u difaacaa degaan kasta oo Dhulbahante. Ruux kasta oo Dhulbahante ahi wuxuu noqonaya xididka,jirridda,laamaha ama caleenta kee baad xumaan u quuri ama aad ka maarmi. Degaanka Dhulbahante isna wuxuu la mid noqonayaa guri aad qol ka degantahay,qolalka kelna aan cidi kaa lahayn aadna si xor ah oo weliba xarrago badan aad u booqan karto ama ugu noolaan karto.Dunidan qof Haybtiisa qayb neceb,qayb ka faana,qayb xaqira,qayb gumeeya,qayb banaysta dhiigeeda iyo maalkeeda,laguma oga. Hayb waxay ka koobantahay asal iyo farac,wixii aad mid yeesho waa waxaad adigu is yeeshay,waayo waa wada asal aad ka soo jeeddo ama waa farac kaa soo jeeda.Waa dhaqn soo jireen ah in beeli ama qabiil ay doortaan Cuqaal iyo Issin mideeya beesha ama qabiilka,isla mar ahaantaasna maareeya danaha beesha ama qabiilka oo dhan,hadday noqoto dhaqan,dhaqaale,degaan,nabad iyo nolol.
Doorashada Cuqaasha iyo Issinka waxaa la dhasha waajib iyo xuquuq. Gudashada waajibaadka waxaa laga rabaa Cuqaasha iyo Issinka,xuquuqda Cuqaasha iyo Issinka macnawi iyo maaddi kay noqotaba waxaa xil kaa saaranyahay dhammaan xubnaha ay beesho ka koobantahay.
Ummaddi aan taladu u urursanayn,kala dambayn,is xurmayn, is karaamayn,is maqal,isu hurin,isu hiilin,wada ilaashan sharafta,haybadda,gobanimada,degaanka,dhaqanka,nabadda iyo nolosha,kalsooni isku qabin,si dhab ugu dhiiran difaafaca danaheeda dhib kama korto.
Aabbahay baa sidaas ahaan jiriey,haddaadan adigu wax noqon micno kuuma leh. Aabbaha hadduu dhib kaaga tegey waa inaad dhibta iska feyddaa,hadduu dheef kaaga tegeyna waa inaad ilaashataa. Banii Aadanku damaaciga waa ku dhashay waa ku noolyahay waana ku dhimanayaa,taas waa in mar walba loo toog hayaa,khayr wax kuma yeelo ee shar u toog hay waa waaqac aan la dhaafi karayn.
Cumar Ibnul Khad-daab,waxaa laga soo wariyey inuu yiri,walaalkaa toddobaatan jeer u cudur daar,maadaama in qalad la waaya aysan suurtagal ahayn. Markay dhibi dhacdo qofna murug iyo quus buu ka qaadaa,qofna dersi iyo cibro ayuu ka qaataa sidii uu uga bixi lahaa buu u hawl galaa. Soomaalidu waa tan tiraahda,cudur wuu soo boodaa,caafimaadna wuu soo dhutiyaa. Guri waa dhagax dhagax lagu kaabay,wanaagna waa tallaabo wacan oo tallaabo ka sii wacan laga daba geeyey.
Dhulbahante maanta wuxuu la midyahay nin hayyin ka jiifsaday wuxuun hilayga saar-saarye. Khaatumo 2 waa isku day kale,ilaa intii laga helayo talo lagu gaadho himilada la tiigsanyo isku day waa lama huraan. Talo aan si dhab ah loogu qumin,daacadna lagu kaabin,meel ma gaadhi doonto.
Shakiga,qalad iyo ceeb doonka,qof nacaybka,niyad jebinta,xanta,xasaradda,been iyo dicaayadda,waxaa ka qumman in dhanka fiican wax laga eego,si qumman wax la isugu sheego,hawl wadeenka in la dhiiri geliyo,lala garab istaago wixii hawsha u fududayn lahaa. Ummadda Dhulbahante waxaan ku waaninayaa inay marka hore isku kalsoonaato,marka xigtana ay ka wada shaqayso sidii ay ku gaadhi lahayd danteeda guud. Inta hawsha loo igmaday ama isu xilsaartay iyana waxaan kula talinayaa,inay si daacad ah oo hagar la’a ay ugu qumaan u gudtaan hawsha loo igmaday si ummaddu u gaarto himilada ay tiigsanayso idinka Eebbe.
Hore waxaa marar badan iyo meelo badan la iska waaniyey,la is faray,la isla qaatay in la joojiyo isu fiirsiga sookeeyaha,si aan iska caabinta cadowgu u wiiqmin. Soomaali waa tan tiraahda oodo dhacameed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa. Dhib badan baa Dhulbahante xilligan ku kullansan,waxaa caqliga iyo fahamka suubani inoo tilmaamayaa in loo kala abbaaro sida ay u kala daranyihiin. Sida aan qabo hadda waxaa Dhulbahante u daran inuu geed gaaban iyo geed dheerba u fuulo sidii uu u midoobi lahaa. Midnimadu waxa keenaysaa is aamin,isku kalsoonaan,tayyo iyo tamar awood badan oo aan daalim is hortaagi karayn.
Beryahn maxaa badan tusaale lagu cibro qaato, bal eega waxa ka socda dalalka Carabta qaar,bal eega halaagga,hoogga,iyo walbahaarka haysta daalimiintii ummaddooda mudada badan ku qabtay cabsi,gaajo,jahli,kala qaybin,dil,xadhig,qixin,xumaan,khiyaamo-dulmi iyo dhagar ay ula hadheen ma jirto. Markay shicibka ay ka ba’day baqdintii,markuu midoobey,is aaminey,isku kalsoonaaday,waa kaas hoogga,halaagga iyo walbahaarka ku dhigay daalimiintii mudada badan dhibta iyo dhagarta ba’an ku haysey.
Dhulbahante taariikh iyo dhaqan halgan waa leeyahay,awood iyo dhaqaalena waa haystaa,xaqna waa ka maqanyahay,Eebbena waa kii xaqqa u hiiliyaa.
Shirka Khaatumo 2,idinka Eebbe wuxuu noqonya kulan guul lagu gaadho,waayo wuxuu ku soo beegmay xilli dulmi badan Dhulbahante loo geestey,baadilna waa kii suula,xaqna waa kii guulaysta. Waxaan rajaynayaa in qofkii tegi karayaa tago,kii ay duruufi u diidna uu talo daacad ah iyo taakulo ku kaabo,qalbiga khayr u sheego,quustana ka fogaado-Iimaan,Xaq iyo Sabur isu dardaara.

Doorashada iyo Dimuqraadiyada SNM dunia u sheegto,ayniga ay tahay bogga hadhwanaag baa inoo haya,ee ka bogasho wacan.

http://www.hadhwanaagnews.com/

M.H.Buraleh

Short URL: http://www.kalshaalenews.com/?p=4712

Posted by on Aug 27 2011. Filed under Radio Buuhoodle. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Search Archive

Search by Date
Search by Category

Fatal error: Allowed memory size of 41943040 bytes exhausted (tried to allocate 65536 bytes) in /home/caridhaa/public_html/wp-includes/taxonomy.php on line 3046