«

»

Apr 13

Ergooyinkii ansaxin lahaa Dastuurka Puntland oo Buuhoodle ka anbabaxay

Dhamaan ergooyinkii ansaxinayey Dastuurka Puntland oo Ka anba baxay Gobalka Cayn Magalada Buuhoodle. SOOL iyo Sanaag IYO Cayn aya waxa la sugaya in ay ka yimadaan 81 xildhibaan, yadoo loo qaybsadey sadeex madax oo kiiba yahay 27 xildhibaan,

Magaalada Buuhoodle aya waxa ka baxay Cuqaal siyasiyiin iyo bulshada rayidka ah, si ay uga qeeyb galaan shirka lagu ansaxinayo dastuurka Puntlad.
Dhinacakale siyaasiyiin waa weeyn oo aad looga yaqaan deegaanka SSC aya iyana ku soo fooleeh magaalada Garoowe ku waas oo ka qeeyb gali doona shirka 15 April ee lagu ansaxiinayo dastuurka Puntland,

Ergada ansixindoonta Dastuurka Puntland ee la filayo in uu qabsoomo 15 Bishaan April ee fooda inagu soo haysa ,waxaana si weyn looga

dareemayaa magaaladda Garoowe imaatinka xubnaha ansixinta oo kusoo qulqulaya gudaha Gobolada Puntland iyadoo Dibadana ay ka yimadeen Xubnaha Qurba joogta uga qaybgalaysa iyo Kor joogayaal Caalami ah.

Gudiga kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka puntland TPEC ayaa ku guda jira howl aad u baaxadweyn taasi oo lagu diyaarinayo adeegyada ergada ansixinta dastuurka puntland ayna ka mid tahay,

1. Dajinta Ergada

2. Diyaarinta kaararka aqoonsiga erganimo

3. ajandaha iyo dhamaan nidaamka ka qaybgalka shirka.

Garoonka diyaaradaha Magaalo madaxda Puntland ee Garoowe ayaa isna ka mida meelaha ay ka socoto qabanqabada soo dhaweynta ergada iyo Marti sharafta kale ee u imanaysa Garoowe sidii ay uga qaybgali lahaayeen Shirweynaha ansixinta Dastuurka puntland.

Ergada ansixinta Dastuurka ayaa dhan 480 Ergay oo ka kala imanaya dhamaan Gobolada Deegaanada puntland iyadoo qaybsigana lagu saleeyey habkii ergada ee Dhismihii Maamulka Puntland ee Sanadii 1998 ay wax u qaybsadeen dadweynaha Reer Puntland

Ergada qaar ayaa ka imanaysa dhanka Dowladda, Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Qurba joogta Puntland.

Dadwenaha ku nool caasimada puntland ayaa iyana ku jira dadaal ay ku xaqiijinayaan amaanka iyo soo dhaweynta Martida imanaysa Magaaladda .

Shirkaan ayaan ahayn kii kowaad ee Deegaanka Puntland lagu qabto iyadoo ay ka dhaceen shirar caalami ah sida Garoowe 1,Garoowe 2 Gaalkacyo1,kuwasoo dhamaan ahaa kulamo caalami ah wallow guud ahaan looga arinsanayey Danaha Guud ee Soomaaliya.

Kalshaalenews.com
Garoowe
Kalshaalenews@gmail.com