Ciidammada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Saakay Wadajir Muqdisho Uga Sameeyey Howlgallo Ay Hub Kusoo Qabteen”DAAWO SAWIRRADA”




Ciidammada Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waaberigii saakay magaalada Muqdisho uga sameeyey howlgal ballaadhan oo qeyb ka ah xaqiijinta Ammaanka Caasimadda ayadoo howlgalkaasina ay Ciidammadu kusoo qabqabteen Hub iyo waxyaabaha Qarxa.
Howlgalkan waxaa si gaar ah u fuliyey Ciidammada Sida aadka ah u tababaran ee ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka oo lagu magacaabo Gaashaan waxaana howlgalka ay ka fuliyeen Xaafadaha Zoobe,Banaadir iyo deegaanno kale oo kakala tirsan degmooyinka Wadajir iyo Hodan ee gobolka Banaadir.Dhismaha Wasaaradii Qorsheynta oo qeyb ka ahaa deegaannada howlgalkan laga sameeyey ayaa waxaa saraakiisha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranku Saxaafadda ugu soo bandhigeen hub kala duwan oo isugu jiray Qoryo gacmeedyada Fudud(AK 47),qoryo Culus oo uu ka mid ahaa Baasuuke,walxaha qarxa iyo rasaas u badnaa rasaasta qoryaha BKM ka iyo AK47.
Taliyaha Ciidammada Nabad Sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ere goo saxaafadda kula hadlay Dhismaha Wasaaraddii Qorsheynta ayaa tilmaamay in howlgalkan uu qeyb ka yahay xaqiijinta Ammaanka Ciidammaduna ay kusoo qabteen hub kala gedisan,Dhismahanna uu ahaa goob lagu iibiyo wixii hada ka dambeeyana ay si rasmi ah ula wareegeen Ciidammada Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka.
Ciidammada Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka gaar ahaan Ciidammada sida aadka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey magaalada Muqdisho ka wadey howlgallo Ammaanka lagu xaqiijinayo ayadoo howlgalladaasi oo laga sameeyey intabadan Xaafadaha Muqdisho ay Ciidammadu ku guuleysteen iney gacanta kusoo dhigaan hub shacabka lagu waxyeeleyn lahaa iyo dhagarqabeyaal shacabka isku dhax qarinayey ayadoo howlgalkii ugu dambeeyey intii uu socdayna ay Ciidammada AMISOM ay ku taageerayeen Ciidammada Gaashaan iney Ammaanka Wadooyinka u xaqiijiyaan.
Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa u taagan had iyo goor iney si aad ah u xaqiijiyaan Ammaanka ayadoo ay Hay’addu ku guuleysatay in dhammaanba baraha magaalada lagasoo galo ay dhigto Ciidammo baara gaadiidka magaalada soo gala iyadoo sidoo kalena Ciidammo badan oo dhar cad ah ay Hay’addu magaalada ka howlgelisay taasi oo qeyb ka ah waxyaabaha fashiliyey qaraxyo iyo shirqoollo dilal ah oo Maleeshiyada Al-Qaeda maleegayeen waloow ay xusid mudantahay in Ammaanka oo wanaagsanaaday ay sabab u tahay Shacabka iyo Ciidammada oo iskaashanaya.
Short URL: http://www.kalshaalenews.com/?p=7351






