Qaab dhismeed kii Mamulka Cayn State iyo waxa yalaha aay hiigsanayaan + sawiro
Waxa aan Ku bilaabid magaca Alle, naxariis guud iyo mid gaar ahaaneed ba leh
Anagoo tixraacayna shirkii wada tashiga jaaliyadaha Goalka Cayn ee dhacay 25.04.2012. Qodabadii kasoo baxayna ay noqdeen sidatan:
1. in loo kaco oo la iska kaashado dhibka iyo wahabka duldegay umada soomaaliyeed sigaara
ugu habbsaday deegaamada SSC(sool sanaag cayn).
2. waxa laqaatay in gobolka cayn uu noqon karo meel laga baadi goobi karo gundhigna u
noqon kara dad waynaha SSC iyo dhamaan umada soomaaliyeed.
3. in la magacaabo xubno kasoo fekera arintaas soona diyaariya qorshe caawin kara dadka
cayn, sool iyo sanaag wadana u noqon kara soomaaliweyn.
waxa loo magacaabay xubnahan hoos ku qoran:
• Chif Caqil Jamac Mayal Koreye
• DR Cabdirissaq Aw Maxamud Dirir
• Garyaqaan Ahmed Haybe
• Aqon yahan Fardus nuux
• Dr Abdinuur Xusen Magan
• Aqon yahan Fadumo Cunbal
Talooyinkoodii ka soo baxay shirkii 1.aad iyo 2.aad o kala dhacay 29.04.2012 iyo 3040.2012.
1. Mideynta iyo isu keenida jaaliyada cayn ee aduunka
2. Raadinta midnimada iyo isku xirka qurba joogta gobolka cayn
3. Raadinta dhaqaale wax lagu fuliyo ama lagu howl galo
4. U howl galida nabad galyada maamul wanaag deegaamada SSc ee aan wali gacan kale galin
5. Gacan siinta waxyaalaha nolosha lagama maarmaanka u ah sida caafimaadka, biyaha iyo
wax barashada. Si looga midho dhaliyo himilooyinkaa waxay xubnahani soo jeedinayaan talooyinkan hoose; • In la dhiso gudi ku haboon xaladahaas oo ah 10 xubnood, 5 fulin ah iyo 5 la tashi ah, magacaabista gudigaan waxa loo dhaafay ama loo reebay shir waynaha jaliyada cayn ee aduunka.
Qaybta faahfahinta waxay xubnahaan ku talinayaan in laga fogaado wax kasta oo keeni kara ama abuuri kara shaki ama aan dani ugu jirin Sool, Sanaag, Cayn iyo midnimada somaliweynba.
Waxay kale oo ay ka digiyaan in waxa la dhisayo uusan soo kordhin dheef mooyaane wax dhib ah
deegaamada SSC iyo Soomaaliya oo dhanba.
Waxay ku tala bixinayaan in lala kaalshado oo talo mug leh laga siiyo arinta hir galinteeda
dhamaanba dad waynaha Sool, Sanaag, Cayn iyo somaalida wanaga jecel oo dhan.
Salka wax qabadka
1 In islaamka sal looga dhigo
2. Midnimada DHULBAHANTE ama SSC
3. Midnimada Soomaali weyn
4. Isku tashi cadaalad iyo karti ku dhisan
waa tala bixin arintani waxna waa lagu dari kara waxna waa laga saari kara, waxaan soo
dhawayneynaa wixii tabasho ama toosin ah ee talabixintan ku wajahan.
Illahay baa mahad iska leh… MIDNIMO ISKU TASHI IYO CADAALAD
GUUUUL
Halkan Riix si aad u aragto shaxda Qab dhismeedka Cayn State iyo himilooyin keeda
Sawiro iyo weedho soo dhoweynaya yoolkeena dhabta ah
Short URL: http://www.kalshaalenews.com/?p=7358







