Ciidamadda Dawlada oo Gacanta Ku Dhigay Dad Ajinabi ah oo dhalashadoodu tahay Dalka Kenya

Ciidamada Dawlada KMG ee Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe qabtay korjoogeyaal ajinabi ah oo dhalashadoodu tahay Dalka Kenya Xildhibaan Geedi oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Deegaanka Hos_hingow ee gobolka jubada hoose in ay howlgal ka fuliyaan oo ay dad ajinabi ah kusoo qab qabteen kuwaas oo lagu eedeenayay in ay katirsanaayeen Xarakada alshabab xili ay doonayeen in ay gaadhi shacab ah ku baxsadaan.

Waxa uu tilmaamay in shacabka magaalada Kismaayo ay war bixinta ku aadan baxasadka horjooggahaasi soo siiyeen ciidammada Xoogga kaddibna ay ciidammada baaritaanno ka sameeyeen deegaanka Hos-hingow, isagoo sheegay in horjooggahani laga soo dajiyay gaari BL ah oo ay la socdaan dad shacab ah oo ku sii jeeday gudaha dalka Kenya.

Xildhibaan Geedi waxa uu xusay in korjooggahani dhallashadiisu ay tahay dalka Kenya, isla markaana uu ka mid ahaa korjooggayaal ka dagaallantay magaalada Muqdisho ka hor intii aan Shabaab laga saarin, dhinaca waxa uu carrabka ku dhuftay in illaa iyo hadda aysan shaacin saraakiishii howlgalkaasi fulisay magaca korjooggahaas.

Short URL: http://www.kalshaalenews.com/?p=7367

Posted by abdi on May 12 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google
Designed by Zakaria