Diyaarad Ingeydh ah oo Ali khaliif u qaatay Muqdisho oo ay ku baxday $9,500 oo dollar
Gudomiya Jaliyada East Afrika ee khatumo oo sheegay in ayasan wax dhaqaale ah ku bixin kharashaadka xaga Hotelska iyo kuwa Safarada oo la sheegay in ay noqdeen kharashka ugu badan ee ka baxa khasnadaha Khaatumo ama hanoqota kuwa Nairobi ama khasnada guud ee Dubia. Gudoomiyuhu wuxuu sheegay dadkii lacagta ku tabarucaaday waxay u bixiyeen in Xorayn iyo Midayn lagu fuliyo, uma aysan bixin in ay hotels ka bixiyaan dad Nairobi u yimi Sahan Baayacmushtar ama masiir Siyaasadeed oo shaqsi, waa sida uu hadalka u dhigaye. Arimahan isa soo taraya ee ku saabsan takri falka kharashaadka Khaatumo ayaa dabo socda khilaaf dhawaan laga soo sheegay maamulihii Khasnada Guud ee Dubia, Ali Xaaji Cige oo isna codsaday in laga wareejiyo sii haynta khasnada. Arimahan isa soo taraya ayaa waxaa la sheegayaa in ay soo if baxeen kadib markii la sheegay in Ali Khaliif Galaydh uu safarkiisii uu dhawaan ku aaday Magaalada Muqdishu oo sii kiraystay Diyaarad Khaas ah oo la sheegay in ay ku baxday lacag gaadhaysa $9,500 oo dollar. Diyaaradaasi ingeydhka u ahayd Ali khaliif iyo shaqsiyaad la socday ayaa la sheegay in ay aad uga cadhaysiisay jahliyadda reer Nairobi iyo dhamaan Qurbajoogta reer SSC. Lacagta kiradda Dayuurada ayaa laga saaray khasnadaha Khaatumo iyadoo ay dheertahay lacago kale oo loogu magac daray “hospitality fund” oo la sheegay in ay tahay lacaga lagu bixiyo wixii laaluush ah. takrifalkan dhaqaalaha ayaa isa soo taraya iyadoo gebi ahaanba ay istaagtay dhaqdhaqaaqii Xoraynta ee laga waday Nugaasha waxaa iyana isa soo taraya in aan wax dhaqaale ah la gaadhsiin ciidamada jiida hore ee Xaga Buuhoodle taasi oo keentay kacdoon aad looga dareemayo dhinaca hawdka oo looga soo horjeedo sida loo majaro habaabiyey kacdoonkii shacabka reer SSC. kacdoonkii shacabka ayaa isugu soo biyo shubtay hagan siyaasi ah oo ka socda magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi. Arimahan soo baxaya ayaa waxaa iyana walaac iyo niyad jabweyn ka muujiyey Dadbadan oo aan ahayn reer SSC oo laga uruursaday lacago gaadhaya boqolaalkun, kadib markii beelo badan oo ka mid ah Daaroodka lagu shiriyey Nairobi lagana codsaday taageero dhaqaale. Beelihii Daarood ee dhaqaalaha ku bixiyey cabashadii loo soo gudbiyey ayaa walaac iyo niyad jab ku noqotay in raga lacagta ka uruursaday degan yihiin hotelo Five star ah oo ku yaal Nairobi oo aysan weligood iyagu fooda gelin. Hantiile dukaan ku haysta magaalada Nairobi oo ka soo jeeda Magaalada Goldogob ayaa yidhi: ” markii nalala shiray waxaa nalagu yidhi Waxaad tihiin Darbi Daarood, maanta waxaanu idiinka baahanahay hiil iyo hooba” Wuxuu sheegay in ay beeshiisu niyad samaan weyn u haysay kacdoonka socday, uguna deegeen maal, balse ay aad uga niyad jabsanyihiin sida loogu takrifalay maalkii ay niyad wanaaga iyo toliimada ku bixiyeen. Fadeexada iyo daba martaynta loo geystay halganka shacabka reer SSC meelo badan ayuu cawaaqib iyo fadeexad xumo ka soo hooyey. Ilaahayow ceebtayada astur.
diriye Kadeed
Neyrobi
Short URL: http://www.kalshaalenews.com/?p=7726






