Riwaayaddii dhisayaasha khatumo& Guuto 6 ee HADIMO
Riwaayaddii dhisayaasha khatumo& Guuto 6 ee HADIMO
Ilaahay baa mahad oo dhan iska leh, Waxaan ummadda Soomaaliyeed ilaahay uga baryayaa in uu qalbigooda isu soo jeediyo, in uu ka saaro tashuushta iyo tala xumada haysatay muddada aadka u dheer. Waxaan ilaahay u weydiinayaa is cafis iyo isu soo hilaw ay ku hantaan qawmiyadoodii iyo sharftoodii Soomaalinimo, Muslinimo bani’aadanimo ee ka luntay. Waxaan ilaahay ka baryayaa in uu ka qabto kuwo u tafaxaytay in ay qaybiyaan una kala jarjaraan ummadda Soomaaliyeed qabiilooyin iyo qoysas col ah, taas oo keentay dagaalo iyo dibindaabyo if iyo aakhiraba u horseeda halaag.
Dhibaatada maanta Soomaaliya ka taagani waxay hadda gashay marxalad cusub oo kuwii hore ee dhawr iyo labaatanka sanadood jiray kaba sii khatarsan.Waa qabiil dawlad/maamul (state) lagu sheegay oo dad danaysi iyo damiir xumo ku bahoobay wadaan. Nasiib darada ugu weyni waa kuwii aqoonta iyo waaya-aragnimada lagu tuhunsanaa isla markaana waddanka dibadda uga soo haajiray ee arkay dalalka ay ku noolyihiin horumarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka jira, ayaa waxay dadkoodii kula soo gurya noqdeen siyaasad qabiilaysi ay dadkooda iyo dalkoodaba ku kala qaybinayaan kuna gubayaan.
Waxaan leeyahay kuwa siyaasadaha qabiilaysiga ah beelahoodii ay ka soo jeedeen kula soo noqday, doonayana inay baabi’yaan qiiradii Soomaalinimada iyo wada noolaanshaha ummadda Soomaaliyeed, horta marka hore ilaahay ha idin soo hadeeyo. Mar labaad haddii ilaahay taa iga aqbalo, waxaan idinkula talin lahaa manta umadda Soomaaliyeed waxay u baahan tahay in laysu soo dhoweeyo, la isku xidho, nabad gelyo iyo isfahamkoodana laga shaqeeyo. Haddii aad siyaasad Soomaaliyeed dan ka leedahay taasaa idiin eg inaad ka shaqaysaan.
Soomaaliya dhul magacyo loola kala baxo uma baahno, dhul dadka Soomaaliyeed ay kala leeyihiin ama kala sheegan karaana ma jiro. Taaka kasta oo Soomaaliya ah waxaa leh Soomaali oo dhan meel kastaba ha joogeene.
Waxaan maanta maqaalakan ku eegayaa hawlaha ka soo cusboonaaday beryahan qayba ka mida dhulka Soomaaliyeed, waxaanan si gaara jecelahay inaan wax ka idhaahdo xaaladda beesha dhulbahante iyo degaankooda ee hadda loo bixiyey Khatumo.
Waa tii gabaygu ahaa “NIN DALAGANI REERKOODA WAA DOC UMA DHAAFAANE, DADKA KUGU DIRYAA IYO AF XUMO KUGULA DAALYAABA …. …… ……. ……..
Waxaa ugu horeyn xusid mudan in magaca (Khatumo) iyo dadka ka danbeeyey abaabulka maamulkaa, ama aan idhaahdo riwaayaddaa, aanay ehel u ahayn dhulkaa iyo ummadda lagu tilmaamayo ee aan hore u soo xusay.
Marka hore waa maxay Khatumo?
Sida aan ognahay beesha dhulkaa deggani waa beel taariikh weyn leh oo ka mida beelaha Soomaaliyeed ee ugu taaikhda iyo magaca weyn. Waxayna leeyihiin magacyo iyo astaamo taariikhi ah oo ay caan ku ahaayeen sida Daraawish, Nugaal, Hawd, Sool….. iwm, umana baahno sumad cusub oo hadda loo doondoono oo aan taarikhdooda soo jireenka ah meelna ka soo gelin. Waxaa hubaal ah in dadka badankoodu weli isweydiinayaan magacan dadka gaarka ahi uun jeebka kala soo bexeen.
Sida ay aniga ila tahay magacan sababta uu ku yimid waxa ay salka ku haysaa nimanka sameeyey ama malmaluuqay riwaayadda ayaa doonaya in ay helaan wax iyagu gacanta ugu jira oo iyaga uun loo nisbeeyo. Waa tab caqli xad ah oo dadka siyaasiyiinta ah ama khaayimiinta ahi ay isticmaalaan. Tusaale ahaan haddii dadka riwaayaddan rumaysan ee u jibaysan aad u sheegto magaca “Khatumo” waxaa markiiba maskaxdooda ku soo dhacaya “G6” waxaana markiiba qofka ku dhacaya in uu midiidin u ahaado kooxdaas. Waa xeeladda sababtay in magacan garanwaaga ah la keeno loona bixiyo beel iyo degaan aanay meelna ka soo gelin hab dhaqankooda iyo taariikhdooda.
Dhinaca kale haddii magac xalaala oo ummddan laga hadlayo taariikhdooda, dhaqankooda iyo dhulkooda ka tarjumaya loo bixin lahaa qof walba waxaa markiiba dareemi lahaa hanweynaan iyo in uu ku faano daacadna u ahaado dalkiisa iyo taariikhdiisa uu la wadaago walaalihiisa Soomaaliyeed ee kale.
Yaa ka danbeeyey riwaayadda Khatumo?
Sida la ogsoon yahay waxaa maamulidda iyo soo shaacbixinta arrintan ka danbeeyey dhawr nin oo siyaasiyiin iyo ganacsato ah oo dibadda ku nool muddo aad u dheerna dhulkaa ay maamul siyaasadeedka ka wadaan iyo guud ahaan Soomaaliyaba dibadda kaga maqnaa. Waxaa lixdan nin, eeo uu hormood u yahay siyaasiga gurracan ee Cali Kahlif, isu keentay waa niman si u wadaaga astaamo iyo fikrado khaldan, sidaa darteedna isku fahmi kara ujeedadooyinkooda qaloocan. Sifooyinka ay wadaagaan oo ay isaga mid yihiin waxaynu ku soo koobi karnaa;
- Dhammaantood waa niman muddo aad u dheer Soomaaliya ka maqnaa.
- Dhammaantood waa niman aan dhulka beesha dhulbahante iyo Soomaaliya toona xidhiidh la lahayn, ha noqdo mid degaan, dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan…..
- Dhammaantood waa niman aan weligood wax qayb ah ka qaadan horumarinta iyo daryeelka dadka iyo dhulka ay ka soo jeedaan ee dhulbahante.
- Dhammaantood waa niman aan wax raja ah ka lahayn ku noqoshada ama ku noolaanshaha dalka, gaar ahaan degaanka ay maamulka ka wadaan.
- Dhammaantood waa niman dhaqaale iyo aqoon addunyo oo ku filan leh, wax magac ah oo ay ku leeyihiinna jirin.
- Dhammaantood waa niman aad u jecel is xayaysiinta iyo ammaanta aanay marnaba mutaysan.
- Dhammaantood waa niman cuqdad qabiil qaba, taas oo ay ka qabaan qabiilooyin Soomaaliyeed, iyada ay ku kala duwan mid waliba qabiilka uu cuqdadda ka qabo.
- Dhammaantood waa niman og in wax dhibaata ahi ka soo gaadhayn dhibaatada Soomaaliya iyagoo weliba diyaar u ah inay sii dibindaabyeeyaan umadda Soomaaliyeed siina huriyaan colaadda qabiilaysiga ku salaysan.
Intaas oo cudur oo ay qabaan nimanka asaasay Khatumo ayaa saldhig u noqonaya dhibaatooyinka iyo hadimooyinka laga dhaxli karo riwaayaddan. Waxaa akhristow kuu cad illaa hadda mudadii ay waxan wadeen, waxqadab ay dhulka iyo dadka u qabtaan daaye waxay ku mashquulsan yihiin olole ay ku kala fogaynayaan dadka beesha dhulbahante iyo beelaha kale ee walaalhooda dersikana yihiin.
Waxaa mid aad looga fajaco ah in dad ku andacoonaya in ay yihiin maamul federaalka Soomaaliya qayb ka ah oo midnimada xambaarsan, haddana awoodooda oo dhan isugu gaynaya in ay colaad iyo nacayb kala dhexdhigaan dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah. Waxaa habboon bay ila tahay in qof walba oo caqli miisaaman lihi inuu dib u darso nimankan sifooyinka aan soo sheegnay leh iyo jiibiyayaashooda jahawareerka ku jira.
Beesha Dhulbanhte ee Soomaaliyeed waxaan leeyahay bal isweydiiyana su’aal keliya oo ah; Yaa ehel iyo wehel kuu ah oo aad Soomaalinimo ka doontaa? Ma deriskaaga walaalkaaga ah ee kula nool? Mise nin dhulka Soomaaliyaba ka tashaday oo aan sal iyo raad toona ku lahayn, dana hoose oo ay leeyihiin oo foolxunna doonaya inay kugu fushadaan?
Hadii caqliga wanaagsani shaqaynayo waxaan odhan lahaa hadimada nimankan iyo cawaankoodu idiin soo dhoofiyeen ka feejignaada oo idinku samaysta oo yeela tan idinku aad dantiina iyo tan dalkiina aad u aragtaan. Haddii hadimadan la joojin waxna laga qaban waxay cawaaqib xumo aan laga soo kaban ku reebi doontaa beesha Dhulbahante iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkii.
Dhulka beesha dhulbahante degtaa waxa uu u baahan yahay maanta barnaamijyo horumarineed oo kor loogu qaado dhaqaalaha iyo nolosha dadka degaanka ku nool. Uma baahna in uu noqdo meel dad jirran oo siyaasado iyo danayso iyaga gaar u ah ay ku fushadaan, iyada oo haba yaraatee nolosha dadka degaankaa waxa aan dhibaato, colaad iyo burbur ahayn ku soo kordhinayn.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa riwaayaddan “Hadimo” ilaa hadda wixii u qabsoomay iyo hadimooyinkii ay gaadhsiisay dadka iyo degaanka:
- Dhawr iyo labaatan shakhsi oo nolosha dibadda iyo tan gudahaba ku saaqiday oo magacyo been loo bixiyey, sida madaxweynayaal, wasiiro, agaasimayaal….IWM.
- Sharftii iyo mudnaanta odayaal dhaqamadyadii dhulkaa ku noolaa oo la laalay, doorkoodiina laga xoog maroorsaday.
- Dadka jirida ah iyo wax ma garadka oo gacanta loo geliyey maamulidda goobaha ay joogaan waxa sheegta Khatumo.
- Xamaasad la dhex dhigay beelaha dhulbahante dhexdooda oo kala shaki iyo tuhun lagu kala dhex abuuray.
- Deris wanaaggii iyo wax istarkii beelaha deriska ah oo loo ololaynayo in lagu bedelo colaad iyo cunfi.
- Nimankii ka danbeeyey hadimadan oo dibadda ku wareegaya iygoo isu dhigaya sawirada lagau daabaco shabkadaha internet ka ee u shaqeeya, taasoo ahayd ujeedooyinkooda mid ka mida.
- Lacag ka urursi dadka beenta lagu maaweeliyo ee dibadda iyo boqollaal xafladood oo aan jiha lahayn oo meel walba ka socda.
- Xaaladda dhaqaale, bulsho iyo nabad gelyo oo maalinba maalinta ka danbaysa sii xumaanaysa dhulka ay ku sheegeen magacan.
Wallee haddaan la iska qaban qaniinkaa, wallee berintana “Qudhaa Xigi”
Ilaahayaw Noo Gargaar,
Abdi-Darwish Mohamoud
Short URL: http://www.kalshaalenews.com/?p=7739






